Gaalkacyo (Caasimada Online) – Waxaa goordhow qaboobay Dagaalkii cuslaa ee ka socday magaalada Gaalkacyo kaasi oo u dhexeeya Ciidamada Puntland iyo Galmudug.
Dagaalka ayaa inta uu socday waxaa leysu adeegsaday Hubka culus waxaana ka dhashay khasaaro kala duwan oo labada dhinac soo kala gaaray.
Hubka ugu badan ayaa ku dhacaayay goobaha ay deegaanka ku yihiin qoysaska farakutiriska ah ee aan weli ka barakicin Dagaalka.
Dhimashada ayaa gaareysa ku dhawaad Toban ruux, halka dhaawacana uu intaa Kasii badanyahay.
Labada ciidan ayaa weli is horfadhiya waxaana la maqlayaa rasaas goos goos ah oo labada dhinac ay is weydaarsanayaan.
Hogaamiyayaasha labada maamul ayaa lagu wadaa in maalinta jimcaha ah ee fooda nagu soo heysa kuwada kulmaan magaalada Gaalkacyo si labada dhinac ay qalinka ugu duugaan Heshiiskii shalay la gaaray.
Caasimada Online
Xafiiska Gaalkacyo

