Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo Dowlada Somalia lagu eedeeyay wax ka qabasho la’aanta Dagaalka ka socda magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa soo baxaaya in dagaalkaasi ay isku tuur-tuuren Madaxweyne Xassan iyo Ra’isul wasaare Cumar.
Madaxweynaha Somalia ayaa laga soo xigtay in howlaha ku aadan Dagaalka Gaalkacyo uu u xilsaaray Ra’isul wasaaraha dalka Cumar C/rashiid.
Madaxweyne Xassan waxa uu sidoo kale, sheegay in Ra’isul wasaaraha dalka uu dhowr jeer galay xalinta dagaalka balse ay cuslaatay hanaankii lagu xalin lahaa waxa uuna carab dhabay in arrintaasi ay xalinteeda soo Gashay QM.
Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia C/rashiid ayaa isna sheegay in xalinta Dagaalada ka taagan Gaalkacyo aysan khuseyn cid gaara, balse loo wada siman yahay wax ka qabashadeeda, waxa uu isna gaabiska jira dusha ka saaray Madaxweynaha dalka.
Sharmaarke waxa uu ku taliyay in si wada jir ah loo wajaho qaabka looga gudbi lahaa dagaalka ka socdo Gaalkacyo balse waxa uu nasiib daro ku tilmaamay in dhinac gaara lagu mashquuliyo xalinta colaada.
Madaxweyne Xassan iyo Ra’isul wasaare Cumar ayaa ku mashquulay xaaladahaka jira dalka waxa ayna wakhti badan siinayaan ololahooda doorasho.
Wakiilka QM u qaabilsan arrimaha Somalia oo ku sugan deegaanada Puntland ayaa si KMG ah Heshiis u kala dhex dhigay labada Maamul, waxaana lagu wadaa in la kala saxiixan doono Heshiis kaasi oo ka dhaco Gaalkacyo.
Si kastaba ha ahaatee, waxgaradka Puntland iyo Galmudug ayaa muddo Seddex jeer ah ku fashilmay xalinta Colaada, waxaana markii Afaraad daminta Colaadaasi ku biiray Wakiilka QM ee Somalia.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho

