30.9 C
Mogadishu
Monday, May 25, 2026

Jawaari oo ka guuleystay Shariif Xasan iyo musharaxnimada Shariif Xasan oo…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Baydhabo (Caasimada Online) – Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari afhayeenka KMG ee baarlamaanka Soomaaliya  ayaa ka guuleystay qorshihii uu damacsanaa Shariif Xasan Sheikh Aadan.

Jawaari ayaa cod caqlabiyad leh kaga guuleystay musharaxa la tartamayay, wuxuuna helay inka badan 40 cod halka musharaxa la tartamayay uu helay 5 cod.

Jawaari ayaa muujiyay inuu meesha ka saaro damaca Shariif Xasan Sheikh Aadan, maadaama isaga uu doonayo markale inuu u tartamo xilka gudoonka baarlamaanka Soomaaliya.

Shariif Xasan ayaa kaliya rajadiisa ay sii noolaan kartaa haddii uu hishiis la galaa gudoomiyaha KMG ee baarlamaanka Soomaaliya Jawaari, maadaama isaga uu doonayo in beeshiisa heshaa xilka rai’iisul wasaaraha ama madaxweynaha dalka.

Dhinaca kale waxaa Baydhabo ka dhacday doorashada ku dhawaad sideex xubnood oo aqalka hoose ah, waxaana kusoo baxay Ibraahim Isaaq Yarow iyo xildhibaano kale.

Caasimada Online
Xafiiska Baydhabo
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News