27.8 C
Mogadishu
Monday, May 25, 2026

Liiska Magacyada Xildhibaanada Jubbaland uga mid noqon doona Aqalka Hoose

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Kismaayo (Caasimada Online) – Waxaa maanta magaalada Kismaayo ee Xarunta maamulka Jubbaland ka dhacay doorashada xubnaha kamid noqon doona Aqalka Hoose ee BFS.

Doorashadaani ayaa waxaa ku loolamaayay Musharaxiin dhowr ah kuwaasi oo doonaayay inay kamid noqdaan Baarlamaanka cusub.

Doorashada ka dhacday Kismaayo ayaa waxaa lagu doortay 8 xubnood oo ay soo doorteen 8 beelood oo kamid ah beelaha dega Jubaland.

Xubnaha la doortay oo gaarayay 7 ayay 6 kamid ah yihiin xildhibaanno hore.

HOOS KA AKHRISO LIISKA XUBNAHA KUSOO BAXAY DOORASHADA

1-C/rashiid Max’ed Xidig

2-Xamze Sheekh Xuseen

3-C/laahi Yuusuf Alankeey

4-Maryan Aweys Jaamac

5-Cismaan Libaax

6-Luul Cabdi Aadan

7-C/casiis C/laahi Yuusuf

Xildhibaanadaani gaaraya ilaa 7 ee la doortay ayaa qeyb ka ah 43-da xubnood ee Jubaland umatalaya Aqalka hoose ee Baarlamaanka Somalia.

Doorasho tan lamid ah ayaa waxa ay maanta ka dhacday magaalada Baydhabo taa oo lagu doortay Xildhibaanada cusub ee maamulka Koonfur Galbeed u matali lahaa Aqalka Hoose.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News