24.4 C
Mogadishu
Saturday, January 3, 2026

Xog: Imaaraadka oo diidan in Hawiye ay qabtaan xilka madaxweynaha

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo dowlada Imaaraadka Carabta ay faraha kula jirto doorashada Somalia, ayaa waxaa soo baxaaya warar sheegaya in Danjiraha wadankaasi u fadhiya Somalia Maxamed Al-Cuthmaani uu ka hor imaaday in Somalia uu Madaxweyne ka noqdo shaqi kasoo jeeda Beelaha Hawiye.

Al-Cuthmaani oo magaalada Muqdisho kulan kula qaatay qaar kamid ah Siyaasiyiinta Beellaha Daarood iyo Digil iyo Mirifle, ayaa ku wargaliyay in labada midkood uu noqon doono Madaxweynaha Somalia, balse taasi ay ka horeyso in la taageero shaqsiga ay u wadaan xilkaasi.

Imaaraadka Carabta ayaa dadaal ugu jira sidii nin aan aheyn beelaha Hawiye ugu soo bixi laheyn xilka Madaxweynaha, iyadoo wada qorshayaal ka dhan ah Madaxweyne Xasan Sheekh sidii aan mar kale ugu soo bixin xilka Madaxweynaha.

Imaaraadka ayaa dagaal qaawan kula jira Beelaha Hawiye waxa uuna qorshaha ugu weyn yahay in Beelahaasi laga saaro Siyaasada si aanu u helin miisaan Siyaasadeed.

Imaaraadka waxa ay naawileysaa in Dowlada cusub ee imaan doonta ay Hogaanka u hayaan labada shaqsi ee kala ah Cumar C/rashiid iyo Shariif Xassan, halka kuwa kalane ay u adeegsan doonaan qorshooyin kale.

Dagaalka ugu badan ayaa waxaa lagu hayaa Madaxweynaha hadda xilka haya oo Dowlada Imaaraadka ay u aragto shaqsi aan ka bixikarin Hirgalinta danahooda.

Tani waxa ay mugdiga ka saareysaa in Somalia laga hortaagan yahay Horumarka, waxaana nasiib darro noqon doonta in halista kusoo fool-leh Somalia indhaha laga daawado.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News