29.9 C
Mogadishu
Friday, May 1, 2026

Xog: Xasan Sheekh iyo Fargeeti oo ay ka dhex tafan tahay iyo lacag la…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay oo aan ka heleyno Wasaarada maaliyada Xukuumada Somalia, ayaa sheegaya in Khilaaf xoogan uu ka dhextaagan yahay.

Madaxweynaha uu wakhtigiisu dhamaaday Xassan Sheekh iyo Wasiirka maaliyadda Maxamed Aadan Ibraahim (Fergeeti).

Khilaafka Madaxweynaha iyo Wasiirka ayaa bilowday kadib markii Fargeeti uu ka hor imaaday qorsho Xassan Sheekh uu ku doonaayay dhaqaale xad dhaaf ah.

Fargeeti ayaa diiday bixinta lacagahaasi kadib markii Xubnaha Beesha Caalamka ka jooga Somalia, gaar ahaan dowladaha bixiya Mushaaraadka shaqaalaha iyo Ciidamada ay is hortaag ku sameeyen bixinta dhaqaalaha ku harsan Qasnada.

Dowladaha bixiya Mushaaraadka shaqaalaha Dowlada ayaa isha ku haya dhaqaalaha ku jira Qasnada dowlada waxaana la tilmaamayaa sida loo xanibi lahaa lacagtaasi darteed ay Wasaarada maaliyada iyo Bangiga geysteen Saraakiil ku takhasusay dhaqaalaha oo xakameeya lacagaha Keydka u ah Qaranka Somalia.

Madaxweynaha xilka sii haya Xassan Sheekh Maxamuud ayaa Asbuuc gudihiisa Qasnada dowlada kala baxay lacag cadadkeeda lagu sheegay 700,000$ taa oo laga isticmaalay Hantida Keydka u ah Qaranka.

Wasiir Fargeeti qudhiisa ayaa lagu eedeeyay in dhaqaale xoogan uu kala baxay Qasnada Dowlada ka hor inta aysan dhicin Xukuumada hadda jirta, waxa ayna tani bilow u aheyd Khilaafka labada Mas’uul.

Si kastaba ha ahaatee Khilaafyada noocaani ah ayaa imaada xiliyada kala guurka iyo Isku shaandheynta ay ku dhaqaaqeyso Madaxtooyada.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho 

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News