28.5 C
Mogadishu
Friday, May 1, 2026

Wasiir Beekoos oo si xirfadeysan looga soomiyay kursiga Beeshiisa kadib markii…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Kismaayo (Caasimada Online) – Waxaa Kursiga Xildhibaanimo ee Aqalka Hoose looga guuleysay Wasiiru dowlihii Warfaafinta Maxamuud Cabdi Xasan Beekoos, kaddib doorasho ka dhacday magaalada Kismaayo.

Beekoos oo dhowr iyo toban sano ku fadhiyay Kursiga ayaa waxaa si lama filaan ah uga guuleystay Cabaas Siraaji oo aan horay ugu jirin Siyaasada Somalia.

Beekoos ayaa horay u ahaa Xildhibaanka Beesha Hubeer ee Mirifle waxaana booskiisa si Siyaasadeysan u helay Cabaas Siraaji oo inta badan dadka falanqeeya Siyaasada ay aad ula yaaben sida looga guuleystay Beekoos.

Cabaas Siraaji ayaa helay 42 cod, halka Maxamuud Cabdi Xasan Beekoos uu helay 9 cod.

Doorashada ka dhacday Kismaayo ayaa waxaa inta badan looga guuleystay Siyaasiyiin caan ah, waxaana taa bedelkeeda Kuraastaasi helay dhalinyaro aan horay uga dhex muuqan Siyaasada Somalia.

Magaalada Kismaayo ayaa waxaa ka socda dabaaldagyo lagu soo dhaweynaayo Xildhibaanada da’ yarta ah ee kamid noqday Baarlamaanka Cusub.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News