28.9 C
Mogadishu
Monday, June 16, 2025

Liiska sida beelaha Hirshabelle u kala helayaan xildhibaanada Aqalka Hoose

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Jowhar (Caasimada Online) – Waxaa goordhow lasoo bandhigay shaxda Wajiga koowaad Doorashada Aqalka Hoose ee Hirshabeelle, waxaana howlaha doorashada ka hadlay Guddiga Doorashooyinka dadban ee Maamulka Hirshabeelle.

Guddiga ayaa sheegay in Doorashada Aqalka Hoose ee Hirshabeelle ay noqon doonto in loo tartamo 37 kursi oo ay ku tartami doonaan xildhibaanadii hore ugu fadhiyay iyo kuwo cusub.

Guddigu waxa uu sheegay in Wajiga koowaad ee Doorashada ay bilaaban doonto 16-ka bishan, waxaana lagu tartami doonaa 13 kursi, sida uu Guddigu sheegay.

Guddiga waxa uu sidoo kale sheegay in Kuraasta ugu horeysa ay ku tartami doonaan Xildhibaanada wakhtiga dheer ku fadhiyay.

Waxaa kuwaasi kabi doona qaar kale oo afartii sanadood ee la soo dhaafay ka mid ahaa Golaha Baarlamaanka Dowlada Somalia ee hadda uu wakhtigooda dhamaaday.

Sidoo kale, Guddiga waxa uu sheegay in Xildhibaanada shaxda koowaad gashay ay kala yihiin:

1-Wasiirka Amniga C/risaaq Cumar Maxamed

2-Xildhibaan Khadiijo Maxamed Diiriye

3-Xildhibaan C/qaadir Cosoble

4-Xildhibaan Maxamed Xasan Qoone.

shaxda-dorashada-1

- Advertisement -

Read more

Local News