Muqdisho (Caasimada Online)-Shirka oo ahaa mid khaas ah ayaa waxa uu u dhexeeyay Wasiirkii Maaliyadda Xukuumadda Somalia Maxamed Aadan Fargeeti iyo Danjiraha Imaaraadka u fadhiya Somalia.
Shirka oo qarsoodi ahaa ayaa waxa uu ka dhacay dhismaha Safaarada Imaaraadka ee magaalada Muqdisho waxa uuna ahaa mid khuseeyay dhanka Maaliyada iyo doorashooyinka dalka.
Wasiirka maaliyada ayaa Safiirka uga xog waramay dhaqaalaha ku jirta Qasnada dowlada iyo doorashada la filaayo inay ka dhacdo Somalia.
Wasiir Fargeeti waxa uu Safiirka u sheegay in dhaqaalihii ku jiray Qasnada kala bar lagu bixiyay ololaha Madaxweynaha ahna musharax u taagan qabashada xilka madaxweyninimo.
Safiirka waxa uu Wasiir Fargeeti ku wargaliyay inuusan bixin karin dhaqaalaha ku harsan Qasnada Dowlada, isagoo sabab ka dhigay in dhaqaalaha ugu badan ee iminka ku jira Qasnada Dowlada ay iyaga bixiyeen loona baahan yahay in lagu maareeyo qaabkii loogu tallo galay.
Safiirka waxa uu sidoo kale Fargeeti ku wargaliyay in wixii caqabado ah ee ka dhasho diidmada lacagtaasi ay iyaga dusha saaran doonaan, waxa uuna ku amray inuu tixgaliyo amarkaasi.
Qorshaha Safaarada Imaaraadka ee magaalada Muqdisho, ayaa ah in lagu cuuryaamiyo ololaha Xassan Sheekh Maxamuud, si dhaqaalahaasi aan loogu maareyn ololaha.
Sidoo kale, waxaa meel xun gaarsiisan xiriirka Madaxweyne Xassan iyo Wasiir Fargeeti, sida aan ku sheegnay warbixin aan daabacnay doraad, waxa uuna Khilaafka labada mas’uul dhashay kadib markii Madaxweynaha uu isku dayay in dhaqaale uu kala baxo Qasnada.
Lama oga natiijada kasoo baxday kulanka Safiirka iyo Wasiir Fargeeti, waxaase lasoo warinayaa in labada mas’uul ay wada gaaren go’aan lidi ku ah Xassan Sheekh.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho

