Kismaayo (Caasimada Online) – Qarax aad u xoogan ayaa waxa uu ka dhacay Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubada hoose.
Qaraxa ayaa ka dhacay Maqaaxi ku taalla magaalada Kismaayo, taa oo ay ku shaahi jireen Ciidamada Dowlada.
Qaraxa oo ahaa mid lagu aasay Maqaaxida ayaa waxaa ka dhashay khasaaro kala duwan waxaana la xaqiijiyay in Qaraxa uu ku dhintay Hal ruux, sidoo kalane ay ku dhaawacmeen ilaa Seddex ruux oo shibil ah.
Xiliga uu Qaraxa dhacaayay ayaa waxaa Maqaaxida ku sugnaa dad aad u farabadan oo isugu jiray shacab iyo Ciidamo.
Maqaaxida ayaa waxaa sidoo kale xiliga Qaraxa ku sugnaa laba gaari nooca dagaalka ah oo ay la socdeen ciidamo ka tirsanaa Militeriga.
Magaalada Kismaayo ayaa waxaa inta badan ka dhaca Qaraxyo loo adeegsado Miinooyin kuwaasi oo lagu aaso goobaha lagu shaaho.
Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo

