Jowhar (Caasimada Online)-Waxaa wali magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabelle ka socda doorashada Aqalka Hoose ee Hirshabelle.
Doorashada oo wali socta ayaa waxaa kusoo baxay Xildhibaan Faarax C/qaadir oo ka guuleystay Cusmaan Maxamed Axmed iyo Ilyaas Maxamed C/kariin oo u tartamaayay Aqalka Hoose.
Xildhibaanada kale ee guuleystay ayaa waxaa kamid ah Wasiirka Amniga Qaranka C/risaaq Cumar.
Sidoo kale, waxaa doorashada kusoo baxay Maxamed C/llahi Sambaloolshe oo ah Danjiraha Somalia u fadhiya Dalka Turkiga.
Xildhibaanada dib usoo laabtay ayaa waxaa sidoo kale kamid Khadiijo Axmed Diiriye oo mar soo noqotay Wasiirada Haweenka.
Doorashada ayaa wali ka socota waxaana lagu wadaa in ilaa iyo bari leysla gaaro maadaama Musharaxiinta ay wali yihiin kuwo aan codka helin.
Caasimada Online
Xafiiska Jowhar

