Nairobi (Caasimada Online) – Dowlada Kenya ayaa mar kale shaaca ka qaaday inay xireyso Xeradda Qaxootiga Dhadhaab oo ay ku noolyihiin Boqolaal kun oo Qaxooti Soomaaliyeed ah, balse dib u dhigtay arrintaas.
Dowlada Kenya waxa ay sheegtay in Qaxootiga Soomaalida ay ka qafiifisay mudadii ay horay u ballanqaaden inay ku xirayaan Xerada.
Joseph Ole Nkaissery oo ah Wasiirka Arrimaha Gudaha Kenya, ayaa sheegay in qorshihii hore uu ahaa in Xerada albaabada loo laabo bishan November 30-da, balse waxa uu iminka ku dhawaaqay muddo dheeri ah in lasiinaayo Qaxootiga.
Joseph Ole Nkaissery waxa uu sheegay inuu Madaxa Hay’adda QM u qaabilsan Arrimaha Qaxootiga (UNHCR), Filipo Grandi ka codsaday in dib loo dhigo xilliga albaabadda loo laabayo Xeradaasi, wuxuuna hoosta ka xariiqay in ay Xeradda sii furnaan doonto ilaa 6-da bilood ee nagu soo fool leh.
Joseph Ole Nkaissery, waxa uu sheegay in fursadaani dheeriga ah, ay ula gol leeyihiin in Qaxootiga ay kusii nagaadan Kenya ilaa laga gudbaayo doorashada Somalia.
Mr Joseph Ole Nkaissery, waxa uu sheegay in go’aanka dheeriga ah ee 6-da bilood ay noqon doonto mid kama danbeyn ah.
Waxa uu qiray inuusan sahlaneyn go’aanka lagu xiraayo xerada oo ay ku noolyihiin 262-kun oo Qaxooti ah, balse waxa uu sabab ka dhigay duruufaha heysta Kenya.
Haddalka Wasiir Mr Joseph Ole Nkaissery, ayaa imaanaya iyadoo Dowlada Kenya ay dhaqan iyo Caado ka dhigatay Hanjabaad aan mowqif laheyn.
Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
[email protected]

