Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa wali magaalada Cadaado ee xarunta Galmudug ka socda doorashada Aqalka Hoose oo ay ku loolamayaan Musharaxiin kala duwan kuwaasi oo doonaaya inay qeyb ka noqdan Baarlamaanka Cusub ee bedeli doona kan hadda shaqeeya.
Doorashada ayaa waxaa isugu soo haray xubno u badan Ganacsato iyo Damul-Jadiid kuwaasi oo ku hardamaaya kuraasta harsan ee aan wali la dooran.
Doorashada Musharaxiinta ugu miisaanka culus ayaa dhacday maalinimadii shalay iyadoo halkaasi lagu kala qaatay dhaqaale aad u xoogan.
Labada Kursi ee ugu qaalisanaa Aqalka Hoose ee lagu doortay magaalada Cadaado ayaa waxaa ku soo baxay Ganacsade C/llahi Ali Ahmed oo loo yaqaan (Cadow Cali Gees) iyo Saadaq C/kariin Xaaji oo ah Agaasime ku-xigeenka Villa Somalia.
Cadow Cali Gees, ayaa kamid noqoshadiisa Baarlamaanka Cusub ku bixiyay dhaqaale lagu sheegay Nus Milyan oo dollarka Mareykanka ah.
Cadow Cali Gees, ayaa kamid ah Ganacsatada ugu dhaqaalaha badan Somalia, waxa uuna gacansaar la leeyahay AMISOM.
Kursiga labaad ee lagu bixiyay dhaqaalaha culus ayaa waxaa kusoo baxay Agaasime ku-xigeenka Villa Somalia Saadaq C/kariin, oo kamid ah ragga ku dhow dhow Madaxweyne Xassan waxa uuna galay kaalinta labaad marka la eego dhaqaale bixinta tan iyo markii Cadaado ay ka bilaabatay doorashada.
Tartanka ayaa waxaa Saadaq kula jiray nin lagu magacaabo Cabdullahi Cali Xassan waxaana la tilmaamayaa in labada Musharax ee Kursiga Beesha Waceysle ee Cali Gaaf laga bixiyay dhaqaale cadadkeeda uu kor u dhaafayo 600,000 oo dollar.
Dhaqaalaha ku baxay Saadaq C/kariin Xaaji iyo Cabdullahi Cali Xassan, ayaa waxaa si toos ah u bixiyay Madaxweynaha Somalia, oo isagu ku taamaaya in mar kale uu kusoo laabto Kursiga.
Xildhibaanada aan kor kusoo xusnay ee ku guuleystay doorashada Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Somalia, ayaa noqonaaya kuwa ugu dhaqaalaha badan marka loo eego iibsashada Kuraasta Baarlamaanka.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

