Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha uu wakhtigiisu dhamaaday Xassan Sheekh Maxamuud, ayaa si kooban uga hadlay shirka la filaayo in dhawaan uu ka furmo magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia.
Muuqaal kooban oo lagu baahiyay barta uu Madaxweynaha ku leeyahay Facebook, ayaa waxa uu ku xaqiijiyay in shirka ka furmi doona Muqdisho uu yahay mid loogu magacdaray tallo-Qaran.
Madaxweynaha waxa uu sheegay in shirkaasi lagu gurfeyn doono Tallooyin laga soo uruuriyay muwaadiniinta ku dhaqan dalka iyo dibadiisa, si loogu dhaqmo talooyinkooda.
Waxa uu sheegay inay noqon doonaan mid kamid ah howalaha dowladda cusub ee 2016-2020 laga sugayo ee ay dadka Soomaaliyeed ku tallo bixiyeen.
Shirka ayaa waxaa xoogiisa looga hadli doonaa Dowlada imaan doonto, waxaana ka tallo bixin doona rayi uruurinta dadweynaha.
Xasan Sheekh waxa uu shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay soo gudbiyaan fikradaha dalka lagu hormarin karo.
Xassan waxa uu ballanqaaday in Afkaartooda ay dhaqan galin doonaan, waxa uuna cod dheer ku sheegay inay mudnaan gaara siin doonaan.
Haddalka Madaxweyne Xassan iyo Furitaanka shirka ayaa u muuqanaaya mid Xassan Sheekh uu ku muujinaayo in Kursiga uusan ka bixi doonin gacantiisa.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

