30.9 C
Mogadishu
Wednesday, May 13, 2026

Xog-warran: Fadeexaddii doorashada iyo wixii ka dhacay guriga Fowsiya Xasan Abuukar

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Cadaado (Caasimada Online) – Xog dheeri ah ayaa kasoo baxeysa sababtii Musharax Fowsiya Xasan Abuukar ay uga qeyb gali weysay doorashadii Aqalka Hoose ee ka dhacday magaalada Cadaado.

Fowsiya Xasan Abuukar, waxa guddiga Doorashada Galmudug ku soo saareen liiska musharixiinta u taagan kursiga beesha Cali Gaaf ee Waceysle, sida ay Caasimada Online horey shaacisay.

Hase yeeshee, galabtii ay dhacday doorashada ayaa kaliya waxaa soo xaadiray labadii musharax ee kale oo kala ahaa: Saadaq C/kariin Xaaji iyo C/llaahi Cali Xasan, waxaana goobta laga waayay Fowsiya oo la is weydiiyay halka ay ka baxday.

Xogta ay Caasimada Online ka heshay magaalada Cadaado ayaa sheegeysa in Fowsiya Xasan Abuukar uu guri ku xirtay agaasime ku xigeenka Madaxtooyada Mudane Saadaq Macallin C/kariin oo kursiga markii dambe ku guuleystay iyadoo lagu xayiray gurigii ay degtay si looga reebo tartankii adkaa ee kursigaasi.

15129916_10209226450312589_2100223736_n

Saadaq iyo ciidamo tiro badan ayaa subaxii ay doorashada dhaceysa tagay guriga gabadhan ay ka deganeyd Cadaado, halkaasi oo uu ugu hanjabay kuna geliyey xabsi guri..

Waxaa dadka Saadaq la socday ka mid ahaa wiil lagu magacaabo Suubiye oo isna ka shaqeeyaa madaxtooyada iyo ciidamo ilaalo u ah oo madaxtooyada ka shaqeeyaa.

Fowsiya ayaa sheegtay in arrintan ka hadli doonto marka ay ku laabto dalka UK oo ay ka timid markii hore, maadaama ay hadda nolosheeda u baqeyso, oo weli ay ka cabsi qabto Saadaq.

Ka hor inta ayan doorashada dhicin ayey Fowsiya u sheegtay Caasimada Online in Saadaq uu u hanjabay.

“Aniga waxaan diyaar u ahay inaan u adeego Dadkayga iyo Dalkayga, isla markaana aan Aqoontayda, Muruqeyga iyo Maalkayga kaga qeyb qaato Dib-dhiska Nidaamka Dowladnimo ee dalkeenna hooyo” ayey tiri Fowsiya.

Saadaq oo fadhiya xarunta doorashada sharci darrada ahayd
Saadaq oo fadhiya xarunta doorashada sharci darrada ahayd

Musharax Fawsiya Xasan Abuukar waxay kaloo bidhaamisay inuu Ku-xigeenka Agaasimaha Madaxtooyadda Somalia, Saadaq Macallim C/kariim uu ugu goodiyey inay ka tanaasusho Musharaxnimadeeda, ama haddii kale ay Nolosheeda khatar geli dono.

Musharax Fawsiya Xasan Abuukar waxay jufo hoose wadaagaan Ku-xigeenka Agaasimaha Madaxtooyadda, Saadaq Macallim C/kariim iyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud

Saadaq Macalin C/Kariim ayaa qaba gabar uu adeer u yahay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News