25.9 C
Mogadishu
Sunday, June 22, 2025

Odawaa oo ku fashilmay qorshe culus oo uu u waday Xasan Sheekh

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay oo aan ka helnay ilo wareedyo ka tirsan Madaxtooyada Somalia, ayaa sheegaya in Wasiirka Arrimaha Gudaha C/raxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa) uu ku fashilmay qorsho uu ku uruurinaayay Xildhibaanada Cusub ee BFS.

Odawaa ayaa fashilka la kulmay kadib markii uu Xildhibaanada qaar usoo bandhigay inay kusoo biiraan garabka Xassan Sheekh si meesha looga saaro Cumar C/rashiid iyo Musharaxiinta kale.

Wasiir Odawaa ayaa muddo afar cisho gudaheeda magaalooyinka Cadaado iyo Gaalkacyo kulamo kala duwan kula qaatay Xildhibaano dhowr ah si uu uga dhaadhiciyo qorshaha lagu dooranaayo Xassan Sheekh, hayeeshee waxaa lasoo warinayaa inuu ku fashilmay kasbashada Xildhibaanada.

Xildhibaanada qaar ayaa la sheegayaa inuu kula hadlay qadka Telka kuwaasi oo qaarna ka diiday qorshahaasi, halka qaarka kalane ay u dhigeen ballanqaad aan mudeysneyn.

Wasiir Odawaa ayaa xubin firfircoon ka ah Guddiga Xassan Sheekh u qaabilsan ololaha doorasho, waxaana lasoo warinayaa inuu la kulmaayo culeysyo farabadan oo kaga imaanaya dhanka

Xildhibaanada, waxaana taa u sabab ah in Xildhibaanada iminka la doortay ay yihiin kuwo ku cusub Siyaasada oo aan la daanqaadi karin Dowlada Hadda sii dhaceysa.

Odawaa ayaa ololo xoogan ugu jira sida uu kusoo laaban lahaa Madaxweynaha uu hadda wakhtiga ka dhamaaday waxaana adag in Wasiirka uu keeno Xildhibaano intii laga filaayay.

Lama saadaalinkaro isbedelka ku imaan doona Fashilka hadda heysta Wasiir Odawaa oo wakhtigiisa u huray Xassan Sheekh.

 

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News