Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya dhanka Maxkamada Sare ee dalka ayaa sheegaya in Guddoomiyaha Maxkamada Sare ee dalka Ibraahim iidle uu shaqo joojin ku sameeyay Guddoomiyaha Maxkamada Gobolka Banaadir Xaashi Cilmi Nuur.
Guddoomiyaha Maxkamada Gobolka ayaa waxaa si KMG ah shaqada looga joojiyay warqad kasoo baxday Xafiiska Guddoomiyaha Maxkamada Sare.
Warar kala duwan ayaa kasoo baxaaya shaqa joojinta lagu sameeyay Guddoomiyaha Gobolka waxaana leysla dhexmarayaa in labada Guddoomiye uu Khilaaf dhexmaray.
Warar kaasi ka duwan ayaa sheegaya in Shaqa joojinta lagu sameeyay Guddoomiyaha Maxkamada Gobolka uu amray Madaxweynaha uu wakhtigiisu dhamaaday Xassan Sheekh.
Si dhab ah looma xaqiijinkaro sababta ka danbeysay in Guddoomiyaha Maxkamada Gobolka Xaashi Cilmi shaqada laga joojiyo.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho