32.9 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

Xog: Xasan ooo la dardaarmay guddiga ololihiisa una sheegay arrin yaab leh

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dalka Xassan Sheekh Maxamuud ayaa kulan aan caadi aheyn la qaatay Guddiga u qaabilsan ololihiisa.

Madaxweyne Xassan ayaa Guddigaasi ka dhageystay warbixin kooban oo la xiriira qaabka ay u socdaan ololihiisa, waxa uu isna sidoo kale u meeriyay qodobo dhowr ah oo ay kaga guuleysan karaan dhinacyada kale ee ololaha kula jira.

Madaxweyne Xassan ayaa Guddiga kaga digay inay yareestaan ololaha ay wadaan dhinacyada kale waxa uuna carab dhabay in Siyaasadu ay tahay mid marba dhinac isku rogeyso.

Waxa uu ku dhiiragaliyay inay dhexgal ku sameeyaan Xildhibaanada cusub iyo inay xuuraamiyaan halka ay wax marinayaan dhinacyada kale ee loolanka kula jira.

Xassan Sheekh waxa uu Guddiga kula taliyay in Xildhibaanada loo badinaayo inay ku biiraan garabyada kale ee Musharaxiinta ay u adeegsadaan kuwa iyaga ku dhow dhow.

Xassan waxa uu rajo ka muujiyay in ololaha socda ay kusoo dhamaan doonaan Guul, waxa uuna kalsooni ka dalbaday Xubnaha ololaha u wada Guddiga.

 

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News