28.9 C
Mogadishu
Saturday, January 17, 2026

“Soomaalida USA lagu maxkamadeeyay waxba kama qaban karo laakiin Donald Trump…”

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Washington(Caasimada Online) – Safaarada Soomaaliya ee dalka Mareykanka ayaa markii ugu horeysay qiratay ineysan waxba ka qaban karin dhalinyarada Soomaaliyeed ee lagu maxkamadeeyay dalkaasi.

Safiirka Soomaaliya ee Mareykanka Axmed Cawad Ciise ayaa sheegay in safaarada ay jiraan waxyaabo ay wax ka qaban karto iyo kuwo aysan waxba ka qaban karin.

Safiirka wuxuu sheegay in dhalinyarada Soomaaliyeed ee lagu xukumay dalkaasi ay yihiin kuwo heysta dhalashada dalka Mareykanka, sidaasi daraadeedna yihiin sida muwaadiniinta Mareykanka oo kale.

Laakiin wuxuu sheegay in doorashadii ka dhacday dalka Mareykanka ee uu kusoo baxay Donald Trump ineysan saameyn ku yeelan doonin xiriirka dowladaha Mareykanka iyo Soomaaliya.

“Safaaradda ma faro galin karto  kamana hadli karto sida qof Soomaali ah oo maxkamada  Soomaaliya la saaro sida aysan Mareykanka uga hadli Karin ayaanan  inagana taas uga hadli Karin,  safaaradda Mareykanka aysan shuqul kulaheyn”.

Caasimada Online
Xafiiska USA
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News