Keydka Boostada: W/Q Yuusuf Garaad Cumar

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta, dhowr sano ayaan ka shaqeeyay labadeeda waaxood oo waaweyn; waa midda Boostada oo aan maamule ku xigeen ka noqday Boostada Degmada Hodon iyo Waaxda Isgaarsiinta oo aan ka shaqeeyay qeybta Xisaabaadka gaar ahaan xisaabadka taararka ay hey’adaha dowladdu dirsadaan.

Qormadaan waxaan jecelahay in aan uga warramo xog ku saabsan nooc Banki ah oo ay boostadu lahaan jirtay oo anigu aanan ka shaqeyn laakiin aan ka mid ahaa macaamiishiisa.

Xogtaan waxaan ugu talo galay dhallinyarada aan soo gaarin xilligaas, dadkii markaa miyaga ku noolaa oo qaar badan uu hadda magaalo joog yahay qaarkoodna ay taliyaan ama talada dalka dhinac haystaan iyo kuwo magaalooyinka ku sugnaa laakiin laga yaabo in aanay ka warqabin adeegga Keydka Boostada.

Boostadu waxay ahayd ku dhowaad sida Booliiska. Waxay xafiisyo ku lahayd Degmooyinka dalka oo dhan.

Keydka Boostada

Keydka Boostadu waxaa uu ahaa nidaam aad lacag dhigan karto boostada si aad ugu keydsato ama ugu xawisho. Marka lacagta lagaa qabto waxaa lagu siinayaa buug aad baalashiisa mid walba kula bixi karto lacag u dhiganta hadba inta aad adigu ku qorto, keydkana kuu taal.

Lacagtaas waxaad ka qaadan kartaa boosta kasta oo dalka ku taalla.

Waxaan xusuustaa aniga oo qaraabo salaan u tegey degmada Ceelbuur in aan aaday boostada. Aniga oo markaa aan lacag u baahneyn ayaan haddana si aan u hubiyo in nidaamku shaqeynayo waxaan baal buugga keydka boostada ka mid ah ku qoray Sh. So. 100, waan saxiixay waxaanna u dhiibay ninkii boostada fadhiyay.

Wuxuu iga qaaday buuggeyga keydka boostada. Lacagtii iigu qornayd in ay i taallo boostada ayuu 100 ka jaray, maxsuulka cusub ayuu halkaa ku qoray. Ceelbuur iyo taariikha ayuu raaciyay. Wuu saxiixay.  Tiimbare ama shaabbad ayuu ku dhuftay. Ka dibna wuxuu farta iga saaray 100 shilin.

Ma jirin wax lacag ah oo lagugu dallacayo adeeggaas dartiis.

By: Yuusuf Garaad

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com