Nairobi (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya dalka Koonfur ay sheegaya in halkaasi ay ku geeriyooden Ganacsato Soomaaliyeed oo in muddo ah dalkaasi ku ganacsaneysay.
Ganacsatadaaani ayaa la sheegay inay ku dhinteen dab ka kacay goobtooda Ganacsi waxaana tiradooda lagu sheegay ilaa Afar marxuum.
Ganacsatada qaar ayaa sheegtay in ragaasi lagu gubay goobtooda, hayeeshee ay haleeli waayen inay ka baxaan goobtooda, waxaana suuragashay inay ku dhintaan.
Gubashada iyo geerida Ganacsatadaasi kadib ayaa waxaa goobta buux dhaafiyay Ciidamo Boolis ah kuwaasi oo watay gaadiidka dabdamiska.
Dalka Koonfur Africa ayaa waxaa si aan caadi aheyn loogu dhex gumaada Ganacsatada Soomaalida kuwaasi oo qaarkood caadi loo toogto, halka qaarna lagu gubo goobahooda Ganacsi.
Caasimada Online
Xafiiska Nairobo
[email protected]

