Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maaxamuud ayaa dagaal shaqsiyeed oo baaxad weyn ku haya xildhibaan Caasho Xaaji Cilmi, oo ah marwo qiimo weyn ku dhex leh bulshada Soomaaliyeed.
Dagaalkan ayaa salka ku haya kursiga xildibaannimo ee Lafta Gaabane ee beesha Dashame ee Saleebaan/Habar-Gidir, oo xildhibaanadda ay u sharaxan tahay, balse Xasan uu doonayo inuu siiyo Abtidoon Yare oo ah maamulaha hotel SYL ee magaalada Muqdisho, oo Damu-Jadiid ay leedahay.
Xasan ayaa dagaalkiisa u adeegsanaya madaxweynaha Galmudug Cabdikariim Xuseen Guuleed iyo guddoomiyaha guddiga doorashada Galmudug Xuseen Farmashiye.
Madaxweynaha iyo kooxdiisa ayaa ku gacan seeray go’aanka ugaaska beesha Saleebaan ee ahaa in kursigan uu yahay kursi ay u sharaxan yihiin kaliya haweenka, maadaama labadii kursi ee kale ee beesha ay qaateen rag (Abshir Bukhaari iyo Cabdiraxmaan Odawaa).
“Waxaa yaab leh in Xasan Sheekh uu doonayo inuu beesha Saleebaan u sheego cidda xildhibaan u noqoneysa, goorma ayey beeshan noqotay beel ay dad kore maamulaan?” ayuu yiri Axmed Guuleed oo ka mid ah waxgaradka beesha ee ku nool magaalada Nairobi.
Dagaalka Xasan Sheekh uu ku hayo Caasho ayaa ah dagaal ku qotoma inay diiday siyaasadda kooxda Damu-Jadiid ee ku dhisan boobka hantida dalka iyo dadka, ayna tahay qof u adeega danta dadka iyo dalka.
Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Stephen Schwartz ayaa warqad uu soo saaray 18-kii bishan si kulul ugu cambaareeyey Guuleed iyo dowladda Soomaaliya afduubka la doonayo in lagula wareego kursiga haweenka ee beesha Saleebaan.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]