Muqdisho (Caasimada Online) – Musharax Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa sheegay in shirka uu Muqdisho ka furay Madaxweyne Xasan Sheekh ee Talo-Qaran uu yahay mid lagu Marin habaabinayo Shacabka Soomaaliyeed oo u diyaar Garoobay Doorashada Sanadkaan islamarkaana ay filanayaan isbadal Hogaan.
Farmaajo waxa uu sheegay in shirkan uu yahay mid olole doorasho ah oo looga hadlayo sidii dib loogu dooran lahaa madaxweyne Xasan Sheekh kadib afartii sano ee uu ka khasaariyey umadda Soomaaliyeed.
Farmaajo ayaa dhanka kale sheegay in uu jiro Musuq Maasuq Baahnsan oo ay ku dhaqantay Dowlada hada jirta ee uu Xasan Sheekh Hogaaminayo
Halkaan ka Dhageyso Wareysiga Farmaajo
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

