Muqdisho (Caasimada Online)-Doorashooyinka Aqalka Hoose ayaa waxa ay maanta ka kala dhaceen magaalooyinka Kismaayo, Baydhabo, Garoowe iyo Jowhar.
Doorashooyinkaani ayaa waxa ay daba socdaan Doorashooyinkii maalmahaani ka socday Gobolada dalka waxa ayna u dhaceen Doorashooyinkaasi sida tan.
Magacyada xubnaha lagu doortay magaalada Kismaayo
Magaalada Kismaayo ee Xarunta maamulka Jubbaland ayaa waxaa maanta ka dhacay Doorashada Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Somalia.
Doorashada oo xiisa gaara laheyd ayaa waxaa maanta lagu doortay laba xubnood oo kala ah
1-C/laahi Maxamed Aadan Shaaciye
2-Sagal Cabdirisaaq Isaaq
Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada Hoose ayaa ilaa iyo hada waxaa lagu doortay 42 xildhibaan, waxana harsan hal kursi oo maalinta beri la dooran doono, maadaama 43 xildhibaan ay ka imaanayaan Degaanada Jubbaland.
Magacyada xubnaha lagu doortay Magaalada Baydhabo
Magaalada Baydhabo ayaa waxaa sidoo kale maanta lagu doortay Xildhibaanada maamulkaasi Koonfur Galbeed uga mid noqonaaya Baarlamaanka cusub ee Somalia, waxaana maanta la doortay Xildhibaanada kala ah:
1-Cali yuusuf Cusmaan
2-Isaaq Maxamed Maxamuud
3-Cusmaan Xaaji Cali
4-Xamze Zayid Xamze
Magacyada xubnaha lagu doortay Magaalada Garowe
Magaalada Garoowe ayaa waxaa maanta ka dhacay Doorashada Aqalka Hoose waxaana Doorashadaasi ku loolamaayay dhowr xubnood oo qaarkood looga guuleystay Doorashada.
Doorashada maanta oo jawi degan ku dhacday ayaa waxaa lagu doortay Xildhibaanada kala ha:
1-Daa’uud Maxamed Cumar
2-Fersal Cabdulle Guuleed
3-Cabdi Maxamuud Maxamed.
Doorashooyinka ka dhacay Puntland ayaa waxaa ilaa hadda laga doortay Kuraas dhowr ah waxa ayna kuwa maanta soo baxay ka dhigaysaa 22 Mudane, iyadoo tirada guud Kuraasta Puntland laga rabo ay tahay 37-kursi.
Magacyada xubnaha lagu doortay Magaalada Jowhar
Doorashada Aqalka Hoose ayaa waxa ay maanta ka dhacday magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabelle.
Doorashada ayaa waxaa ku loolamaayay xubo dhowr ah waxaana kusoo baxay Xildhibaanada kala ah:
1-Cumar Cusmaan Waasuge (Cumar Riinge)
2-Cabdifataax Qaasim Maxamuud
3-Farxiyo Muumin Cali
Maalinta beri oo Khamiis ah ayaa lagu wadaa in Doorashooyinka Aqalka Hoose ee ka socda Gobolada dalka ay halkooda kasii socdaan.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

