32.9 C
Mogadishu
Saturday, May 2, 2026

Sawirro: Beelaha Hawiye ee kuraastooda taalo Baydhaba oo si xun loo bah-dialyo

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Baydhaba (Caasimada Online) – Magaalada Baydhaba ayaa waxaa ka socda doorasho ku salaysan awood iyo muquunis loo gaysanyo beelaha kuraastooda taalo Baydhaba, kuwaasi oo la kulmaya awood sheegasho iyo Bahdilaad ayagoo loo firinayo qabiladooda.

Qabiiladda loo gaysanayo bahdilaada, hanjabaadda iyo awood u sheegashada ayaa ah kuwa beelaha Hawiye oo ku ah minority siyaasadda Maamulka Koonfur galbeed balse aan loo firinayn degaan ahaanta iyo waxtarkooda.

Mudooyinkii danbe ayaa waxa soo baxayay awood sheegasho lagu sameenayo beelaha Silcis, Wacdaan iyo Wadalaan oo ka tirsan beelaha Hawiye ee dega Koonfur Galbeed.

Bahdilaada iyo Faquuqa  loo gaysanayo beelaha Hawiye ayaa waxaa raali ku ah Madaxwaynaha koonfur Galbeed, Mamulkiisa, Guddiga Doorashada SIEIT iyo Guddigga Khilaafaadka.

Maalinti Shalay ayaa waxaa jiray Doorashada Wacdaanka lana keenay hooolka doorashada ergo aan ahayn wacdaan oo la rabay in ay u codeeyaan Cumar Isloow oo ahaa xildhibaan hore oo kursigana uu ka dhaxlay aabihiis oo dhintay, ayadoo uu ku shaqayn doono amaradda Madaxwaynaha Shariif Xassan uu siin doona una hogaansami doona go’aanaddiisa.

Waxaa xarunta doorashadda ka dhacday dhacdo xun oo nin la taramayay loo diiday in uu hadlo si uu ugu soo gudbiyo waxqabadkiisa balse amar la siiyay askarta banaanka loo saaray laguna dhawaaqay in Cumar Islow ku guulaystay.

Sidoo kale maanta ayaa lagu wadaa in labada Qabiil ay dhiman doorashadooda ee wadalaan iyo Silcis lagu waddo in ay soo baxaan laba nin oo kala ah Cusman Xaji Ali  iyo Cali Ganey oo labaduba ahaan jiray Xilldhibaano, gacan saar dhawna la leh Mohamed Amiin iyo Mursal oo u fududeeyay in ergooyin aan qabiilkooda ahayn loo Qoro.

img_5461img_5462img_5460

Caasimada Online
Xafiiska Baydhaba
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News