32.9 C
Mogadishu
Saturday, May 2, 2026

Xog: Axmed Madoobe iyo Gaas oo liiska xildhibaanada Puntland iyo Jubaland ku wareejinaya Imaaraadka

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay oo naga soo gaarayo xubno katirsan Guddiga Doorashooyinka dadban ee maamulada Puntland iyo Jubbaland, ayaa sheegaya in labada maamul ay diyaarinayaan Xildhibaanada cusub ee uga mid noqday Baarlamaanka Cusub ee Somalia.

Wararku waxa ay tibaaxayaan in Hogaamiyayaasha Jubbaland iyo Puntland ay amarkaasi ka heleen Safiirka Imaaraadka Carab u qaabilsan Somalia Maxamed Axmed Osman Alxamadi iyo Agaasimaha Guud ee Wasaarada Arrimaha Dibadda Imaaraadka.

Liiska Xildhibaanada cusub ee maamulada Jubbaland iyo Puntland ayaa kama danbeyn la doonayaa in 27 Bishaan lagu wareejiyo Maxamed Axmed Osman Alxamadi oo hadda ka howlgala magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

Ujeedka ay Dowlada Imaaraadka u dalbatay Liiska Xildhibaanada ayaa la sheegay inuu yahay mid ay uga tusaala qaadan doonto Codeynta Madaxweyanaha la dooran doono.

Liiska Xildhibaanada ayaa sidoo kale la sheegay in loo kala saari doono laba qeyb, qeybta koowaad ayaa waxaa laga dhigi doonaa kuwa u janjeera dhanka Xasan Sheekh, halka qeybta labaad lagu qiimeyn doono go’aankooda waxa ayna Dowlada Imaaraadka dooneysaa qeybta ka madaxbanaan Xasan Sheekh iyo garabkiisa.

Si kastaba ha ahaatee, qorshahaani ayaa qeyb ka ah Heshiis ay Dowlada Imaaraadka dhawaan la gashay Hogaamiyayaasha Puntland iyo Jubbaland.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News