31.9 C
Mogadishu
Saturday, May 2, 2026

Diyaarado dagaal oo jahwareeriyay maamulka iyo shacabka Somaliland

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Deegaanada maamulka Somaliland ayaa waxaa qalqal galiyay Diyaarado dagaal oo jawi hoose ku socda, kuwaasi oo aan la garaneynin halka laga leeyahay.

Diyaaradahani Jawiga hoose ku socda ayaa dul heehabaya dhowr deegaan oo hoostaga magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka Somaliland.

Diyaaradahaani qalqal galiyay deegaanada Somaliland ayaa u badan xiliga galbaha iyo Habeenkii, waxa ayna talaabadani walaac gaara ku abuurtay Maamulka iyo dadka shacabka ah.

Farxaan Aadan Heybe oo ah Wasiirka duulista hawada Maamulka Somaliland, ayaa warbaahinta u xaqiijiyay arrintaani la xiriirta xadgudubka Diyaaradaha.

Wasiirka waxa uu sheegay inay Somaliland ka cabanayso diyaarado ciidan oo maalmahaan lagu arkay deegaano hoostaga magaalada Hargeysa.

Waxa uu intaa ku daray in sidoo kale Diyaaradahaasi ay gaaf wareegan deegaano kale oo hoostaga Gobolka seylac sida oodweyne iyo bariise.

Diyaaradahaani ayaa dhawaan duqeyn ka geystay deegano yaryar oo hoostaga oodweyne.

Lama oga halka laga leeyahay Diyaaradahaasi iyo ujeedkooda, waxa uuna maamulka cabsi ka qabaa in mar kale ay diyaaradaha geystaan duqeyn.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News