29.9 C
Mogadishu
Saturday, May 2, 2026

Keating oo weerar culus ku qaaday Xasan Sheekh iyo madaxtooyada Somalia

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Ergayga gaarka ah ee QM u qaabilsan arrimaha Somalia Michael Keating, ayaa si kulul uga hadlay dadaalada ay Madaxtooyada Somalia ugu jirto dib u dhaca Doorashooyinka Madaxweynaha iyo Guddoonka Baarlamaanka Somalia.

Michael Keating, waxa uu sheegay in Mowqifka Beesha Caalamka uu yahay mid siman waxa uuna cadeeyay inaanu la aqbali doonin in sida la doono laga yeesho Doorashada Somalia.

Keating, waxa uu cod dheer ku sheegay in Madaxtooyada Somalia ay qas ku heyso Jadwalka Doorashooyinka, waxa uuna intaa raaciyay in si kutala gal ah loo dib dhigaayo Doorashooyinka Aqalka Hoose ee BFS oo wakhtigooda lala dhaafay.

Madaxweynaha Somalia, ayuu sheegay inaanu dan ka laheyn hagaajinta Somalia, waxa uuna tusaale usoo qaatay sida xasil darada ah ee uu u qasaayo Jadwalka Doorashooyinka.

Beesha Caalamka ayuu sheegay in Mowqifkeeda uu yahay in la tixgaliyo Jadwalka Doorashooyinka dalka, haddii aysan taasi dhicina aan wax laga weydiin doonin Howlaha Doorashooyinka.

Haddalka Michael Keating, ayaa u muuqda in Xassan Sheekh uu jahwareer ku riday Wakiilada Beesha Caalamka ka jooga Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News