Muqdisho (Caasimada Online) – Wakiilka QM u qaabilsan arrimaha Somalia Michael Keating, ayaa ka hadlay Doorashooyinka Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Somalia.
Michael Keating, ayaa sheegay in Doorashooyinka ay si habsami leh uga socdaan Gobolada dalka, waxa uuna tilmaamay inay jiraan Khilaafyo aan sidaa usii buurneyn oo ka dhextaagan Ergooyinka iyo Gudiyada Doorashooyinka.
Michael Keating, ayaa tilmaamay inay jiraan dib u dhacyo balse ay si dar darleh ay ku socdaan soo xulida Xildhibaanada, wuxuuna sheegay in dhawaan ay imaan doonaan Muqdisho Xubnaha labada Aqal ee soo dooran doona Madaxweynaha.
Isagoo arrinkaani ka hadlaayay ayaa waxa uu yiri ”Waxaa rajeenayaa in Kooramka Baarlamaanka Aqalka Hoose lasoo doorta maalmaha soo socda, isla markaana horey loo galo Doorashada Golaha Baarlamaanka, inta ka hartay Xildhibaanada gadaal laga soo buuxin doono intaan la gaarin doorashada Madaxweynaha, ayuu yiri Ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya.
Keating ayaa yiri
”Wax walba oo aan sameeno waa nala cambaareeyaa hadaanahay Beesha Caalamka, hadii aan talo soo jeedino waxaa la yiraahaa faraha kala baxa arrimaha Soomaaliya, hadii aan ka aamusno waxaa la dhahaa maxaad uga aamusan tihiin, qaabka ay doorashadan u dhaceyso maaha mid aan anagu keenay balse waa mid ay Soomaalidu iyadu la timid”
Mar wax laga weydiiyey inay Doorashadda Madaxtinimadda Somalia ku dhici doonto Xilligeeda , waxa uu carrabka ku hduftay inuu waqtigu isbedelayo.
”Waqtiga wuu is-bedelayaa, horey, wuxuu u ahaa bilihii August, September, October iyo November, waxaana leeyahay xilliga la mudeystay Somalia ma ahan kan Switzerland oo kale”
Waxa uu sheegay inaan weli la soo dhamaystirin Doorashadda Aqalka Hoose ee Barlamaanka soo socda, balse loo baahan yahay in maalmo kadib la helo 194 Kursi oo ka mid ah xubnaha Aqalka Hoose ee Barlamaanka.
Wuxuuna rajo ka muujiyey in la soo dhamaystiro tirada Barlamaanka ee 275-ka xubnood, si uu ruux kasta u yimaado Muqdisho, loona doorto Afhayeenka Baralamaanka.
Doorashooyinka Aqalka Hoose ayaa wali ka socda Gobolada dalka waxaana weli harsan Xildhibaano gaaraya kala bar kuwaasi oo aan wali lasoo dooran.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

