Muqdisho (Caasiimada Online) – Warbixin ay si wada jir ah usoo saaren QM, Midowga Afrika, Ethiopia, Midowga Yurub, IGAD ,Italy, Sweden, Ingariiska, iyo Mareykanka, ayaa waxaa lagu soo dhaweeyay Guusha ay Jubbaland ka gaartay Doorashada Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Somalia.
Warbixintaani oo aad u kooban ayaa waxaa lagu sheegay in Maamul Goboleedyada kale looga baahan yahay inay lamid noqdaan maamulka Jubbaland oo noqday maamulkii ugu horeeyay ee soo afjaray Doorashooyinka Aqalka Hoose.
Warbixinta ayaa waxaa lagu dhiiragaliyay Maamulada Puntland, Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Hirshabeelle oo laga dalbaday inay soo dhameystiraan Doorashada Aqalka Hoose, si loo guda galo Doorashada qeybaheeda kale.
Qoraalka ayaa waxaa lagu yiri ”Marka hore waxaan hambalyo leenahay Maamulka Jubbaland oo noqday Maamulkii ugu horeeyay ee soo dhameystira kuraasta Golaha shacabka, waad mahadsan tihiin ayaan leenahay Jubbland oo waqti badan ku bixiyay sidii Doorashada Soomaaliya waqtigeeda ay ugu dhici laheyd”
Dhinaca kale, Wakiilada Beesha Caalamka ee Somalia jooga waxa ay maamulada ka dalbadeen in muddo 10 cisho lagu soo gabagabeeyo Doorashooyinka Aqalka Hoose.
Caasiimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

