Beledweyne (Caasimada Online) – Dagaal aad u xoogan ayaa waxa uu hadda ka socdaa deegaan 6km dhinac galbeed uga beegan magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.
Dagaalka ayaa la sheegayaa in Hubka culus leysu adeegsanaayo kaasi oo u dhexeeya labo maleeshiyo beelleed oo halkaasi wada dega.
Xaafadaha aan laga joogi karin Dagaalka ayaa waxaa kamid ah xaafadda Howl-wadaag ee magaalada Beledweyne, halkaasi oo ay ku hoobaneyso Madaafiicda iyo rasaasta ay labada maleeshiyo beeleed is weydaarsanayaan.
Dagaalkan ayaa daba socda dagaallo labo cisho ka hor beellahan ku dhaxmaray deegaannada fog ee miyiga gobolka Hiiraan, kaasoo sababay khasaare ballaaran oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Dhinacyadan ku dagaalamaya Magaalada Beledweyne ayaa la sheegay Dagaalkooda in uu salka ku hayo dhul daaqsimeed iyo ceel-biyoodyo oo ay isku heystaan.
Dhinacakale, Dadka Degaanka ayaa sheegay in Dagaalka uu geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, inkastoo ilaa iyo hada aan la xaqiijin karin khasaaraha rasmiga ah.
Caasimada Online
Xafiiska Beledweyne
[email protected]

