29.9 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

Cumar Dhagey oo ceebta kasoo gaartay Doorashooyinka si dadban ugu wareejiyay BFS ee cusub

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online)-Iyadoo ay fooda nagu soo heyso wakhtiga Doorashada Madaxweynaha, ayaa waxaa arrinkaasi ka hadlay Guddoomiyaha guddiga doorashada heer federaal Avv. Cumar Max’uud C/dulle (Cumar Dhagey).

Cumar Dhagey, ayaa sheegay in baarlamaanka cusub looga fadhiyo inay la imaadan xiliga ay dhaceyso doorashada madaxweynaha.

Cumar Dhagey, waxa uu sheegay inay gaaban tahay howsha Guddiga Doorashooyinka, waxa uuna sidaa darteed sheegay in Xildhibaanada cusub laga doonaayo inay la imaaday xiliga Doorashada.

Cumar Dhagey, waxa uu tilmaamay in howsha guddiga doorashada dadban ay ku eg tahay marka la tiro uu ku buuxsamayo kooramka baarlamaanka cusub oo la wareegi doona go’aan ka gaarista waqtiga la qabanayo doorashada madaxweynana.

Cumar Max’uud C/dulle, waxa uu sidoo kale mugdi galiyay in Doorashada Madaxweynaha ay xiligeeda ku dhici doonto, waxa uuna carab dhabay in taa ay sabab u tahay in Xildhibaanada cusub lagu wareejiyo kalsoonida.

Haddalka Cumar Max’uud C/dulle Cumar Dhagey waxa uu muujinayaa ujeedo wakhtiga loogu dheereynaayo Madaxweyne Xasan Sheekh.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News