29.9 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

Hanti-dhowraha Qaranka oo weerar dadban ku qaaday Xasan Sheekh iyo Xertiisa

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online)-Iyadoo dhawaan wakiilada Beesha Caalamka ka jooga Somalia ay shaaciyeen in Xildhibaanada cusub qaarkood lagu doortay awood iyo Musuq-maasuq, ayaa waxaa arrinkaasi ka hadlay Hanti-dhowraha Guud ee Qaranka Nuur Jimcaale Faarax.

Hanti-dhowraha, ayaa sheegay inay jiraan Xildhibaano dhowr ah oo lagu soo doortay qaab Musuq-maasuq ah, waxa uuna cod dheer ku sheegay in Xildhibaanadaasi Liiskooda ay u gudbiyeen Beesha Caalamka.

Hanti-dhowraha Qaranka Dr. Nuur Jimcaale Faarax, waxa uu sidoo kale daboolka ka qaaday in Xildhibaanada Musuqa ku sameeyay codadka ay ka goos heystaan Madaxda ugu sareysa dalka.

Magacyada ay u gudbiyeen Beesha Caalamka ayuu sheegay inay ku rajo weyn yihiin in si dhaqsi leh ay Beesha Caalamka wax uga qabato.

Hanti-dhowraha Qaranka, waxa uu sidoo kale, sheegay inay jiraan Xildhibaano wali ku doodaya inay saxan yihiin waxa uuna carab dhabay in Xildhibaanada qaar ay dhaqaalaha Doorashada ka heleen Madaxtooyada Somalia.

Haddalka Hanti-dhowraha Qaranka, ayaa u muuqda mid lagu durayo misna lagu ifinaayo Fadeexada Madaxtooyada Somalia ka heysata Doorashooyinka Aqalka Hoose ee la musuqay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News