28.3 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

Qarax aad u culus oo goordhow ka dhacay magaalada Muqdisho

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online)-Qarax aad u xoogan ayaa waxa uu goordhow ka dhacay Wadada warshadaha ee magaalada Muqdisho.

Qaraxa oo inta badan laga wada maqlay eryada warshadaha ayaa waxaa lasoo warinayaa in lala eegtay kolonyo gaadiid dagaal oo ay la socdeen Saraakiil iyo ciidamo ka tirsan AMISOM.

Qaraxa ayaa la xaqiijiyay inuu ahaa miino dhulka lagu aasay waxaana la sheegay in Qaraxaasi uu dhaawac kasoo gaaray Hal Askari oo ka tirsan Ciidamada AMISOM.

Qarax kadib ayaa waxaa halkaasi gaaray Ciidamo ka tirsan Dowlada kuwaasi oo gurmad u ahaa ciidamada Qaraxa lala eegtay.

Taliska AMISOM wali kama uusan hadal Qaraxa lala eegtay ciidamadooda.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News