29.9 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

Weerar aad u culus oo Caawa lagu qaaday Hoteel ku yaalla Muqdisho

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online)-Maleeshiyaad ku hubeysnaa Hubka fudud ayaa Caawa weerar culus ka geystay Degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir.

Maleeshiyaadkaani oo la socday gaari nooca raaxada ah, ayaa waxa ay weerareen Hotel Golden oo ku yaalla Isgoyska Suuq-bacaad ee Degmada Yaaqshiid.

Maleeshiyaadka ayaa iska caabin kala kulmay Ilaalada Hoteelka, waxa ayna weerarkaasi ku dileen ilaa Laba Askari oo ka tirsanaa Ilaalada Hoteelka.

Maleeshiyaadka weerarka qaaday ayaa sidoo kale dhaawac u geystay ilaa Seddex Askari oo kamid aheyd ilaalada Hoteelka.

Sidoo kale, Maleeshiyaadka ayaa inta uu weerarka socday halkaasi ka qaatay Hal qoray oo ay lahaayen Ilaalada Hoteelka gaar ahaan kuwa la dilay.

Inta uu weerarka socday ayaa waxaa halkaasi gaaray Ciidamada Dowlada oo ku biiray weerarka waxaana la soo warinayaa inay eryadeen maleeshiyaadka weerarka soo qaaday.

Ma jirto warar sheegaya in ciidamada Dowlada ay gacanta ku dhigeen maleeshiyada iyo in kale.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News