Baydhabo (Caasimada Online) – Waxaa kordhaayo cabashooyinka laga muujinaayo musuq-maasuqa baahsan ee ka taagan Doorashada Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Somalia, taa oo ka socta magaalada Baydhabo.
Musuq-maasuqa ayaa waxaa la soo warinayaa in liijaanka uu u hayo Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Koonfur Galbeed Mursal oo la sheegay in Musharaxiinta qaar uu ka saarayo Liiska Musharaxnimo ee BF.
Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Koonfur Galbeed ayaa lagu eedeeyay in Musharaxiinta qaar uu ku bedelay kuwo jeebkiisa ah.
Guddoomiyaha Guddiga ayaa sidoo kale lagu eedeeyay in Musharaxii diida bixinta laaluush uu ka eryo Ergooyinka dooran lahaa.
Musharaxiinta Musuqa jira dartii uga baxay Doorashada Aqalka Hoose ayaa waxaa kamid ah Axmed Xuseen Shuute oo sheegay in waxa ka socda Goobaha Doorashooyinka ay yihiin kuwo Musuq-maasuq dhaafay.
Axmed Xuseen Shuute, waxa uu sheegay in Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka uu kala kulmay Musuq-maasuq uusan fileynin waxa uuna cadeeyay in la badelay ergooyinkii dooran lahaa asaga.
Si kastaba ha ahaatee, Musuq-maasuqa hareereyay Doorashada Aqalka Hoose ee Koonfur Galbeed ayaa imaaneysa kadib markii dhawaan uu Madaxweynaha maamulkaasi shaaciyay inuu yahay Musharax Madaxweyninimo oo doonaya codadka Xildhibaanada.
Caasimada Online
Xafiiska Baydhabo
[email protected]