27 C
Mogadishu
Friday, June 27, 2025

Axmed Daaci oo kashifay halka Boorsaani uu ku bixiyo dhaqaalaha gobolka

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho Caasimada Online) – Iyadoo dhawaan la sheegay in Guddoomiyaha Gobolka Banadir Sheekh Yuusuf Boorsaani uu dhaqaale xoogan ku bixinaayo Musharaxiinta saaxiibada la ah ee doonaya inay kamid noqdaan BFS, ayaa waxaa arrintaasi ka hadlay Guddoomiyihii hore ee Degmada Wadajir Axmed Xasan Cadoow Daaci.

Axmed Daaci ayaa sheegay in Boorsaani uu ku tagri falaayo dhaqaalaha Gobolka Banaadir, waxa uuna tilmaamay in dhaqaalahaasi lagu bixinayo shaqsiyaad xil doon ah oo iminka ku sugan magaalada Jowhar.

Axmed Daaci waxa uu sheegay in Musharaxiinta dhaqaalahaasi lagu bixinaayo ay yihiin kuwo laga leeyahay dano gaara, waxa uuna si cad u sheegay in Codadkooda uu ku tashanaayo Xasan Sheekh.

Axmed daaci ayaa carabka ku adkeeyay in lacagihii loogu tala galay hormarinta adeegyada ay u baahan yihiin dadka gobolka Banaadir hada lagu bixinaayo sidii shaqsiyaad xildoon looga dhigi lahaa xildhibaano.

Axmed Daaci waxa uu intaa raaciyay hadalkiisa in dhammaan dhaqaalaha ku jiray Keydka Dowlada lagu bixiyay Doorashooyinka ka socda Caasimadaha Gobolada dalka.

Haddalka Guddoomiyihii hore ee Degmada Wadajir Axmed Xasan Cadoow Daaci, ayaa imaanaya iyadoo Qasnadaha Bankiga Dhexe ee dalka ay haawinayaan kadib markii dhaqaalahaasi loo weeciyay Madaxtooyada Somalia.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News