Jowhar (Caasimada Online) – Gudiga doorashada dadban ee heer federaal ayaa diiday gabi ahaanba doorashadii ka dhacday magaalada Jowhar oo ay kusoo baxeen labo xildhibaan oo aqalka hoose ah.
Gudiga doorashada ayaa sheegay in doorashada kuraasta labadaas beelood iyo beelo kale loo qorsheeyay qoondada haweenka ee ka imaanaya deegaanada HirShabeele.
Waxay gudiga sheegeen ineysan aqoonsaneyn doorashadii ka dhacday magaalada Jowhar ee lagu soo doortay xildhibaanada ragga ah ee kasoo jeeda labada beelood ee Agoonyar iyo Aw-bokor gaabane.