Baydhaba (Caasimada Online) – Guddiga Doorashooyinka maamulka Koonfur Galbeed ayaa ka hor imaaday Xubno uu watay Guddoomiyaha Baarlamaanka Somalia Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.
Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Koonfur Galbeed Mursal ayaa lasoo warinayaa in xubnahaasi uu ka saaray Liiska Musharaxiinta waxa uuna sidoo kale kala diray Ergooyinkii dooran lahaa Musharaxiinta.
Isaaq Muxumad oo kamid ah Ergooyinka u soo xaadiray Doorashada ayaa sheegay in Guddoomiyaha Guddiga uu kala diray xili ay ku dhamaayen Hoolka ay doorashadu ka socotay.
Isaaq Muxumad waxa uu sidoo kale sheegay in Guddoomiyaha Guddiga uu ku wargaliyay in Musharaxiintii ay dooran lahaayen Ergada aysan ku jirin Liiska Musharaxiinta.
Isaaq waxa uu intaa ku daray in Guddoomiyaha Guddiga uu u sheegay in Musharaxiintaasi aan wali loo soo gudbin.
Musharaxiinta Liiska laga saaray oo gaaraya ilaa Seddex Musharax ayaa la xaqiijiyay inay ka tirsan yihiin Kooxda Damul-Jadiid ee la doonayo inay u codeeyan Madaxweynaha dalka Xasan Sheekh Maxamuud.
Geesta kale, Guddoomiye Jawaari ayaa xusul duub ugu jira sida uu kusoo laaban lahaa Madaxweyne Xasan Sheekh oo ay saaxiib dhow ku yihiin Siyaasada.
Caasimada Online
Xafiiska Baydhabo
[email protected]