Jowhar (Caasimada Online) – Madaxweynaha waqtiga ka dhammaaday ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Jowhar xalay geeyey lacag gaaraysa nus milyan doolar si loogula dagaalo in uu soo baxo xildhibaan Cabdullaahi Goodax Barre, islamarkaana ay beesha Gaaljecel kursi uga iibiyaan xaaska wasiir ku xigeenkii Gaashaandhigga xildhibaanad Aamina Maxamed Cabdi.
Lacagta ayaa waxaa xalay Jowhar geeyey Agaasime ku xigeenka madaxtooyada Saadaq Cabdikariin oo xildhibaanka beesha Cali Gaaf dhawaan kasoo qaatay Cadaado, taasi oo muran la galiyay lana filayo in dib loogu laabto, sida guddiga xalinta khilaafadka ay cadeeyen kadib markii lagu heley musuqmaasuq iyo hanjabaad inuu kusoo baxay.
Jowhar waxaa ka socda loolan adag oo u dhaxeeya Damjadiid iyo inta ka xorta ah oo doonaysa in ay soo baxaan xildhibaano aan u iibsanayn Damjadiid oo rabta in Madaxweynihii mudada ka dhamaatay ee Xasan Sheekh dib loo doorto afar sano oo hor leh.
Siyaasiyiin ku sugan Jowhar oo la soo xiriirey Caasimada Online xafiiskeeda Jowhar ayaa sheegay inay aad ula yaaban yihiin Saadaq oo aan deegaanka kasoo jeedin oo kursigiisa uu yaalay Cadaado sida uu Xasan ugu dhiiraday inuu ugu soo diro Jowhar, isaga oo isticmaalaya Mudulloodnimo oo la wada ogyahay sida uu Xasan ugu gumeeyeen gobolka Banaadir oo xaqoodii kursi uusan hayn uga raadsaday maamulada kale ee dalka ka jira.
Siyaasiyiinta ayaa ugu baaqay ergada beelaha Xawaadle iyo Gaaljecel in ay isbedelka u hiiliyaan oo aan la iibsan una codeeyaan musharaxa ay u arkaan inuu anfacayo dalka iyo deegaanka uu matalo.
Kursiga Goodax uu ku tartamayo ayaa noqon doona kan labaad ee ugu qaalisan ee Jowhar lagu doorto, haddiiba uusan dhaafin kii Cabdulqaadir Cosoble uu kaga adkaaday Damu-Jadiid.
Caasimada Online
Xafiiska Jowhar
[email protected]