Berbera (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya xabsi ku yaala magaalada Berbera ayaa sheegaya in in mid kamid ah maxabiista ku xirnaa xabsigaasi uu isku daldalay xabsiga dhexdiisa.
Wararka kale ee aan ka heleyno isla xabsiga ayaa sheegaya in la badbaadiyay maxbuus kale oo doonayay inuu isku daldalo xariga uu saaxiibkii kahoreeyay isku daldalay.
Lama oga sababta ka dambeysa in maxbuuska isku daldalo xabsiga magaalada Berbera, balse waxaa la sheegayaa iney soo wajahday xaalad adag.
Ibraahim Waceys Aadan waa maxbuuska isku daldalay xabsiga, waxaana ilaa iyo hadda la ogeyn sida ay ugu suuro gashay inuu helaa agabka uu isku daldalay.
Wasiirka cadaalada maamulka Somaliland ayaa sheegay inay baaritaan ku sameyn doonaan sababta keentay is daldalaada ayna saxaafada u soo bandhigi doonaan.
Xabsiyada ku yaal maamulka Somaliland ayaa la sheegaa in maxaabiista ku xiran ay duruufo adag ku nool yihiin.
Caasimada Online
Xafiiska SOmaliland
[email protected]