25.4 C
Mogadishu
Monday, June 30, 2025

Gaadiid dagaal oo Caawa ku qulqulaya Degmada Qandala & Xaalada oo…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Gaalkacyo (Caasimada Online)-Wararka ka imanaya deeganada maamulka Puntland ayaa sheegaya in Caawa ciidamo ka tirsan maamul Puntland ay u dhaqaaqen dhanka degmada Qandala ee Gobolka Bari.

Ciidamada Caawa u ruqaansaday Degmada Qandala ayaa waxaa maanta lagu diyaariyay magaalada Bosaso, waxaana lagu wadaa in Caawa ay kusii dhawaadan Qandala.

Ciidamadani ayaa ku hubeysan Gaadiid dagaal iyo Hub aad u farabadan, waxaana lasoo sheegayaa in qorshahooda uu yahay inay la wareegan gacan ku heynta Degmada Qandala oo ku jirta gacanta Daacishta Somalia.

Ciidamadaani ayaa waxaa hogaaminaya Saraakiil kasoo jeeda Degmada Qandala oo si wanaagsan u kala yaqaan Degmada.

Magaalada Qandala ayaa waxaa bishii hore qabsaday Kooxda Daacishta Somalia, waxaana iminka soo baxaaya warar sheegaya inay isku sii faafinayaa deegaanada kale ee Degmada.

Ma jiro wax dagaal ah oo maalmahaani ka dhacay magaalada Qandala, waxaase jirta cabsi laga qabo in labada dhinac ay fooda isdaraan.

Caasimada Online
Xafiiska Gaalkacyo
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News