26.6 C
Mogadishu
Sunday, June 29, 2025

Xog: Ethiopia oo CC ku ciqaabtay xiriirka uu la sameeyey Imaaraadka

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheerad ah oo aan ka heleyno ilo ku dhow dhow Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia, Cumar C/rashiid ayaa sheegaya in sharmaarke uu ku hingoobay dalabkii uu weydiistay Dowlada Ethiopia taa oo la xiriiray Doorashada Somalia.

Wararku waxa ay sheegayan in Ra’isul wasaaraha Ethiopia Hailemariam Desalegn iyo Wasiirka arimaha dibada Workneh Gebeyehu ay u deeriyeen Sharmaarke kadib kulan gaara oo ay kuwada qaaten dhismaha Wasaarada Arrimaha Dibadda dalkaasi.

Hailemariam Desalegn, ayaa Cumar C/rashiid uga cudurdartay inay taageran, waxaana la sheegayaa in Ethiopia ay ka careysan tahay isbaheysiga uu CC la sameystay Imaaraadka.

Hailemariam Desalegn, waxa uu sheegay inay suuragal tahay in Ethiopia ay taageerto CC, ayada oo xog aan helnay ay sheegeyso inay taageersan tahay madaxweyne Xasan Sheekh.

Dowlada Ethiopia ayaa ka gadoodsan faragalinta ay Dowlada Imaaraadka Carabta ku heyso Siyaasada Somalia, waxa ayna taa sabab u noqotay in Ethiopia ay xiriirka u gaabiso shaqsiyaadka ka tala qaadan jiray oo uu ugu horeeyo Ra’isul wasaaraha Somalia Cumar C/rashiid.

Dhinaca kale, Dowlada Ethiopia ayaan la dhacsaneyn Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia, Cumar C/rashiid, waxa ayna bedelkiisa taageero hoose u muujineysaa Madaxweynaha Koonfur Galbeed ee Somalia Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News