Muqdisho (Caasimada Online) – Sawir gacmeedkani ayaa waxaa lagu cabiray xaqiiqda ka taagan Somalia, gaar ahaan howlaha qarsoon ee uu watao Madaxweynaha uu wakhtigiisu dhamaaday Xasan Sheekh Maxamuud.
Sawir gacmeedkani waxaa lagu miisaaliyay Musuq-maasuqa baahsan ee ka jira dalka, gaar ahaan dhaqaalaha Dalka oo si ganbasho la’aan ah loogu tagrifalaayo.
Sawirkaani waxa uu u taagan yahay tusaalooyin kala duwan waxaana lagu cabiray Xasan Sheekh oo Geedka Qaranka ku waraabinaya Dhiig, waxaana geedka ka muuqda rafaad iyo qalal.
Jalmada uu Xasan Sheekh ku waraabinayo Geedka ayaa waxaa isna lagu hardhay eray aan caadi aheyn kaasi oo lagu muujiyay Musuqa waxa uuna yahay (Musuq-maasuq).