25 C
Mogadishu
Monday, June 30, 2025

Yaa ka dambeeyay weerarkii Wiilka Soomaaliyeed ka fuliyay Jaamacada OHIO?

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Daacish ayaa sheegatay masuuliyada weerarkii wiilka Soomaaliyeed uu ka geystay jaamacada gobolka OHIO.

Daacish ayaa sheegtay in Cabdirisaaq uu ahaa 18 sano jir qaxootinimo ku galay dalka Mareykanka, asagoo ka tirsan ciidankooda.

Daacish ayaa sheegtay in Cabdirisaaq uu ka xumaaday dhibaatada Madaxda Mareykanka ay ku hayaan dadka Islaamka ah  ee kunool dalka Mareykanka.

Kooxda Daacish ayaa sidoo kale xustay In Cabdirisaaq marka uu tagayay dalka Mareykanka uu ka mid ahaa ciidankooda.

Boliiska ayaa baaritaan ku samaynaya in weerarkii Jaamacadda Ohio ee 11 qof ay ku dhaawacantay in uu la xiriiray argagixiso.

Cabdirsaaq Cali Cartan oo 18 sano jir ah ayaa baabuurkiisa ku dhuftay dad taaganaa jaamacadda horteeda, kadibna ku weeraray mindi, ka hor inta boliiska aysan toogan Isniintii.

Wiilkaan ayaa sidoo kale ahaa arday waxkabarta Jaamacada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News