26.6 C
Mogadishu
Monday, June 30, 2025

DFS oo ku fashilantay doorashada madaxweynaha cusub iyo shacabka oo…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxa ay maanta oo Arbaca ah ku beegan tahay xiliga lagu balansanaa inay dhacdo Doorashada Madaxaweynaha cusub ee Somalia.

Jadwalkii ugu danbeeyay ee Doorashada Somalia ayaa waxaa ku qornaa in 30 Bisha November la qaban doono Doorashada Madaxweynaha cusub ee Somalia.

Doorashada Madaxweynaha cusub ayaa dib uga Dhacday xiliga la go’aamiyay kadib markii ay soo baxeen cilado la xiriira Doorashada Aqalka Hoose oo aan ku qabsoomin xiligii loogu tallo galay.

Caasimadaha Gobolada dalka qaarkood ayaa waxaa wali ka socda Doorashada Aqalka Hoose ee Baarlamaanka cusub Somalia.

Danjiraha QM u fadhiya Somalia Micheal Kiteang ayaa dhawaan sheegay inay suuragal tahay in Doorashada Madaxweynaha ay dib uga dhacdo wakhtiga lagu Ballamay.

Micheal waxa uu sheegay in Doorashada Madaxweynaha ay dhici doonto 15-ka Bisha fooda nagu soo Heysa.

Dowlada Somalia ayaa ku jahwareersan hirgalinta Jadwalada loogu tallo galay Doorashooyinka dalka ka socda.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News