26 C
Mogadishu
Saturday, June 13, 2026

Xog: Xildhibaano Xasan Sheekh uu lacag badan ku bixiyey oo u go’ay Jabriil (Tiradooda)

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyada oo doorashadda madaxweynaha Soomaaliya uu dib dhac afaraad ku yimid, ayaa haddana waxaa madaxweyne Xasan Sheekh soo wajahay cabsi cusub oo kaga imaanaysa musharax Jabriil Ibraahim Cabdulle.

Walaac Xasan soo wajahay ayaa la xiriira kadib markii qaar badan oo ka mid ah xildhibaanadii uu lacagta ku bixiyey doorashadooda ay u go’een dhinaca Jabriil, sida ilo lagu kalsoon yahay ay u sheegeen Caasimada Online.

“Waxaa hadda ogahay in ku dhowaad 50 xildhibaan oo cusub ay Jabriil taageereen” Waxaa sidaas yiri xildhibaan cusub oo codsaday inaan la magacaabin.

Arrintan waxaa ay dareen horleh galisay Xasan Sheekh oo is lahaa lacag ayaad ku iibsatay xildhibaanada cusub.

“In xiligii qofka la iibsanayay soo dhamaatay kuna ekeed xiliga ergooyinka ayaa muuqata, laakiin hadda wixii ka danbeey qadiyad ayaa bilaabatay, lacgata la bixinayana waa tii qaranka ee ma aha mid Xasan leeyahay” Waxaa sidaas yiri xildhibaan kale oo cusub.

Xasan iyo JabriilSida ay Caasimada Online ka war-heshay, maalmihii la soo dhaafay Xasan Sheekh ayaa hakad galiyay lacagihii uu bixinayay ee lagu soo saarayay xildhibanada taas oo loo fasirtay cabsi soo wajahday Xasan iyo kooxdiisa.

Jabril ayaa ah musharaxa kaliya ee ku sugan dalka kana wada olole aan joogsan bilihii la soo dhaafay xilli musharixiinta kale ay ka baxeen dalka dhaqaale la’aan darteed ama arrimo la xiriira amniga.

jab2Jabril waxa uu horay safaro ugu kala bixiyay dalka oo dhan, waxaana hadda muuqata in uu soo jiitay xildhibaanada.

Mid ka mid ah sababaha ay xildhibanada cusub iyo kuwii horay ugu sii dhawaanayaan Jabriil ayaa lagu macneeyey in ay tahay ayada oo loo arko qofka kaliya ee ka adkaan kara Xasan Sheekh, taas oo xildhibaan kasta u arko fursad uu ugu dhowaan karo madaxweynaha cusub.

Dhinaca kale, waxaa magalooyinka Kismanyo iyo Baydhaba laga arkayaa dhaq-dhaqaaq olole oo ay horboodayaan xildhibaano iyo oday dhaqameed u ololeeynaya mushax Jabriil

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News