Jowhar (Caasimada Online)-Waxaa magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabelle ka dhacay Doorashada Aqalka Hoose ee baarlamaanka cusub Somalia.
Doorashada oo aheyd mid xiisa gaara leh ayaa waxaa ku loolamaayay Xubno kala duwan waxaana loolan wakhti qaatay kadib Doorashada ku haray Xubno Musharaxiin ah.
Doorashada ayaa waxaa ku soo baxay Sedex xildhibaan oo ka mid noqon doona Baarlamanka cusub ee dooran doona Madaxweynaha bedeli doona Xasan Sheekh Maxamuud.
Doorashada ayaa waxaa kusoo baxay Xubnaha kala ah:
1-Eng: C/qaadir Caraboow Ibraahim oo helay 31 Cod
2-Khalliif Cabdi Cumar oo helay 28 Cod
3-Maxamuud C/raxmaan Beene-Beene oo helay 27 Cod.
Xubnaha Seddexda ah ee kusoo baxay Doorashada ayaa waxaa lagu wadaa inay ku biiran Xubnaha horay loogu doortay inay kamid noqdaan Baarlamaanka Somalia.
Maalinta beri ah ayaa lagu wadaa in Doorashada ay halkeeda kasii socoto.
Caasimada Online
Xafiiska Jowhar
[email protected]

