Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha waqtigiisa uu dhamaadey Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si cara leh ula hadlay guddoomiyaja doorashada dadban Cumar Maxamuud Cabdulle, ayada oo la isku hayo waqtiga doorashada, sida ay ogaatay Caasimada Online.
Xasan ayaa sida aan xogta ku helnay ka xun go’aanka guddigooda ee ah in doorashadan ay tahay doorashada dadban ee 2016 oo ay qasab tahay in la qabto bishan oo aysan marna dib uga dhici karin.
XASAN ayaa la taliyihiisa dhanka sharciga ee uu ka dhigay guddoomiyaha doorashada dadban waxa uu u sheegay in wax kasta ay dhici karaan, islamarkaana uu ku qasban yahay inuu xubnaha muranku uu ka jiro ee isbahaysiga Madaxweynaha kaararka la siiyo marka hore haddii la doonana dib loo dhigo doorashada ilaa bisha janaayo 27-keeda sanadka 2017.
Cumar Dhegeey ayaa Xasan u sheegey in uu haysto cadaadis xoogan oo gudaha iyo dibadda ah aysanna u suuragalaynin in uu December dhaafsiiyo doorashada laakiin uu kala shaqeyn karo in kaararka la siiyo xubnaha isbahaysiga madaxweynaha ee labada aqal ee dacwaduhu ay ka yaallaan.
Beesha Caalamka ayaa u gudbisay guddiga doorashada dadban liiska 49 mudane oo intooda badan ah saaxiibada iyo isbahaysiga madaxweynaha waqtigiisa uu dhamaadey ee Xasan Shiikh kuwaasi oo aan sifa sharci ah ku imaan loona baahan yahay in aan la siin kaarka aqoonsiga.
Guddoomiyaha doorashada dadban ayaa awaxaa haysta jahwareer xoogan oo ku wajahan sidii uu yeeli lahaa maadaama uusan ka hor imaan karin go’aanka Xasan, islamarkaana uu fahamsan yahay cawaaqibka ka dhalankara inuu dafiro go’aanka beesha caalamka.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

