Hargeysa (Caasimada Online) – Wasiirka Wasaarada Warfaafinta maamulka Somaliland Cismaan Cabdulaahi Saxardiid oo wareysi siinaayay warbaahinta ayaa sheegay inaanu jirin cid Somaliland u mataleysa Doorashada Somalia.
Wasiirka waxa uu sheegay in Somaliland ay ka madaxbanaan tahay Somalia inteeda kale, waxa uuna carabaabay in Doorashada ka socta Somalia ay tahay mid ugaara Soomaalida.
Wasiir Cismaan, waxa uu sheegay in dadka kasoo jeeda degaanada maamulka Somaliland ee ku sugan Muqdisho aysan aheyn kuwo matali kara degaanada Somaliland oo ay kasoo jeedan.
Waxa uu tilmaamay in Siyaasiyiinta dhabta ah ee kasoo jeeda Somaliland ay yihiin kuwo ku dhaqan dalkooda, hase ahaatee kuwa jooga Muqdisho ay yihiin kuwo aan matali karin Somaliland.
Haddalka Wasiirka ayaa imaanaya iyadoo magaalada Muqdisho ay ka socto diyaar garowga Doorashada dadka kasoo jeeda Gobolada Waqooyi.
Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
[email protected]

